Wararka
Amiirka dalka Qatar oo booqasho laba maalin ku tagaya dalka Pakistan
Amirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa safar rasmi ah maanta ku booqan doona xukuumada Islaamiga ah ee Pakistan sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Pakistan.
Amiirka ayaa wadahadalo la yeelan doona masuuliyiinta dalka Pakistan oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha dalkaasi Dr Arif Alvi iyo ra’iisal wasaare Imran Khan waxaa ayna kadawa hadli doonaan xeriirka dowladaha Qatar iyo Pakistan.
Wafdiga la socda amiirka Qatar ayaa inta ay ku guda jiraan booqashadooda waxaa ay heshiisyo dhinacya badan leh la saxiixan doonan dhigooda dalka Pakistan.
bayaanka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda dalka Pakistan ayaa u qornaa sida tan” amiir Sheikh Tamim waxaa uu wadahadalo la yeelan doonaa Ra’iisal wasaare Imran Khan sidoo kale waxaa uu kulan la qaadan doonaa madaxweynah dalka. Labada dhinac waxaa ay kawada hadli doonaan sida lagu dhisi lahaa xeriir ganacsi oo labada dhinac faa’iida u leh.inta lagu guda jiro booqashada waxaa ay labada dhinac kala saxiixan doonaan heshiisya Isfahan oo kor loogu qaadayo wadashaqayn dhinacya badan leh”