Wararka
Amiirka Dalka Qatar Iyo Madaxweyne Trump Oo Kulmay.
Amiirka dalka Qatar ayaa casuumaad u fidiyay madaxweyne Donald Trump...
Amirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani Iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan ku qaatay aqalka cad ee dalkaasi Maraykanka waxaa ayna labada masuul kawada hadleen xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeyo labadaan dal iyo sidii loo adkeen lahaa.
Madaxweyne Trump ayaa ku amaanay amiirk dalka Qatar xiriirka wanagsan ee kala dhaxeeya isaga iyo xiriirka labada dowladood.
Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sidoo kala ka hadlay doorka saldhiga Militariga Maraykanka ku leeyahay dalkaasi Qatar ee Udeid Air Base iyo sida uu istaraatijiiyad ugu yahay Bariga dhexe.
Dhankiisa, Amiirka dalka Qatar ayaa madaxweynaha Maraykanka ugu mahaceliyay soo dhaweynta diiran ee uu u sameeyay waxaa uuna sheegay in ay xoojin doonaan xiriirka kala dhaxeey dowlada Maraykanka isagoo sidoo kale madaxweyne Trump ku casuumay in uu soo boqda dalkiisa iyo saldhiga Militariga Maraykanka ku leeyahay dalkaasi Qatar.