Wararka

Ambaasidoor Ali Fiqi  “Mowqifka Dowlada Soomaaliya ee ku aadan Dacwada Badda Wali Waa Halkeed ee ma jiro go’aan Is bedlay oo ay dowlqada qaadtay”.

Safiirka Soomaaliya U fadhiya Midowga yurub, Ambaasidoor Ali Fiqi Ayaa waxa uu war Kasoo Saaray Arinta Dacwada Badda Ee Dowlada Kenya Ku Sheegatay Badda Soomaaliya ay leedahay ayaa waxa Uu yiri “Mowqifka Dowlada Soomaaliya ee ku aadan Dacwada Badda Wali Waa Halkeed ee ma jiro go’aan Is bedlay oo ay dowlqada qaadtay”.

Safiirka oo warkaan Ku qoray bartiisa Facebook ayaa Wuxuu yiri “Beriyahaan waxaa socda been abuur badan ee ku saabsan arrinta badda. Waxaan Dadweynaha Soomaaliyeed u sheegaya sida uu cadeeyey Xafiiska Madaweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda mowqifkeena arrinta badda waxba iskama bedelin”.

Danjiraha oo sidoo kale mar uu ka jawaabaayay arrin ayadana baraha bulshada isticmaasho lagu wareejinaayay ayaa ka dhawaajiyay in arrin dowlad gaar u ah aan lagu wareejin ka rin urur goboleed oo uu sharci u laheen in uu keeno maxkamd.

“Waxaan kaloo arkey dad meelaha la wareegaya oo leh arrinta IGAD baa lagu wareejiyey. Arrin Dawlad khaas u tahay urur goboleed sharciyad uma lahaan karo maxkamadana ma hor tegi karo iyadoo Dawladii dacwada iska lahayd meesha joogto”.

Safiirka ayaa sii xoojiyay moowqifkii ay dawlada federaalka eek u aadan arrinka sheegashada waxba kama jiraanka ah ee ay dowlada Kenya ku sheeganayso Badda Soomaaliya oo ah badda ugu dheer Africa “Haddaan nahay Safaarada wakiilka uga ah Dawlada Soomaaliyeed arrinta badda ee Maxkamada taalo, waxaan leenahay mowqifka Dawlada waa hadalki ka soo baxey xafiiska Madaxweynaha iyo warkii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee XFS wixii kale oo inta ka baxsan waa jahwareerin iyo mara habaabin cad” ayuu ku yiri safiirka bartiisa Facebook-ga.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close