Wararka
Amaro cusub oo lagu soo rogay duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale amar kusoo rogtay duulimaadyada gudaha iyo dibadda xili maalinimadii shalay la sheegay in dalka laga helay kiiskii seddexaad ee coronavirus.
Wasaaradda ayaa sheegtay in duulimaadyada caalamiga ay xayiraadda duulimaadka ay sii saarnaan doonta ilaa amar danbo oo kasoo baxo dowlada halka diyaaradaha ka shaqayn jiray Gudaha dalkana sidoo kale amar lagu siiyay in aysan samayn wax duulimaad ah laga bilaabo 29-ka bishaan Marso balse war-saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray in duulimaad loo ogol yahay kaliya diyaaradaha qaado raashinka iyo daawaada naftoodana ay warqad ay ku xusantahay waxa ay sidaan ay u soo gudbiyaan masuuliyiinta caafimaadka afar iyo labaatan saac ka hor.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhamaystiran: