Wararka
Alle ha u naxariisto Wasiir ku xigeenkii wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha Saqar Ibrahim Cabdala oo ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Wasaarada ee manta.
weerar toos ah iyo Qaraxyo ayaa goor dhow lagu qaaday Xarumo wasaaradeed oo ku yaala Magaalada Muqdisho Ee Gobolka Banaadir.
Laba Qarax oo IS Xig Xigay ayuuu Weerarku Ku bilowday Qaraxa 1aad ayaa waxa Uu Ka Dhacay afafka hore Ee Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku dhow Xaruunta Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Marka uu Qaraxu Dhacay ayaa Waxa Lagu Soo Waramayaa in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, isla markaana la maqlayo rasaas culus.
Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa Ku Dhagan Wasaarada Howlaha Guud Iyo Guriyeenta Iyo Sidoo Kale waxaa u dhow Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa ciddanka soo badbaadiyeen iyagoo kusoo dagayay jaraan-jarooyin.
Alle ha u naxariisto Sida hada la xaqiijiye Wasiir ku xigeenkii wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha Saqar Ibrahim Cabdala ayaa ka mid Ahaa dadkii ku dhintay weerarkii Wasaarada ee maanta.Waxaa uu sidoo kale kamid ahaa xubnaha Golaha shacabka.
Qaraxaan ayaa Waxa Uu imaanayaa Iyadoo Dhawaan Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Lagu Wargaliyay In ay Muujiyaan Feejignaan Dheeri ah.