Wararka
Allaha unaxariistee Marxuum gaashaanle Maxamed Suleymaan Abuukar (Maxamaadey) oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho.

Allaha unaxariisto waxaa Isbitaalka Ciidanka xooga dalka Soomaaliyed aas Qaran loogu sameeyay Marxuum gaashaanle Maxamed Suleymaan Abuukar (Maxamaadey) oo 18-kii bishaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Aaska-qaran ee loo sameeyay Allaha unaxariistee Marxuum gaashaanle Maxamed Suleymaan Abuukar (Maxamaadey) ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka amniga xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), Xildhibaano katirsan labada gole ee dowlada Soomaaliya, taliyaasha ciidamada qalabka sida, raisul wasaarihii hore ee dowlada Soomaaliya, siyaasiin culama-udiin, odeyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Allaha unaxariistee Marxuum gaashaanle Maxamed Suleymaan Abuukar (Maxamaadey) ayaa kamid ahaa saraakiisha da’da yar ee Tababarkooda kusoo qaatay dalka Dibadiisa waxaa uuna hadda ka howlgalaayay qaar kamid ah gobolada dalka.