Wararka
aliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo kormeer ku tagay xarumaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta booqasho ku tagay xarumaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Puntland Genaraal Caydiid, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud. Waxana si gaar ah u booqdeen goobaha ay ka dhici doonto Doorashada Xilibaanada soomaliya Halkaan oo la rajeenaayo in lagu doorto Qaar kamid ah Xilibaanada Cusub.
Ugu Horeen Ayay saaka socdalkooda ka bilabeen xarunta Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari Iyagoona Booqanayay Saldhiga Bartamaha iyo Ciidanka Dakada bosaaso Iyo Xarumao Kalle.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka warbixiyay kormeerkii saka ayaa u mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar iyo wafdigii socdalkiisa ku wehlinayay.