Wararka
(AKHRISO):Warbixin ku saabsan Zaheer Ahmad Zindani oo ah nin indhaha la’ oo nabada u dhaqdhaqaaqa.
Zaheer Ahmad Zindani “haddii aan waayi lahaa indhahayga, oo aan ayada haysan lahaa, farxad ayaan ku jiri lahaa, balse hadda indhana mahaayo Jecelkeygana mahaayo”
Walxaha qarxa ee lagu magacaabo Improvised explosive devices ee loo soo gaabiyo (IED) iyo miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa dilay isla markaana dhaawacay kumanaan rayid ah oo ku nool Afgaanistaan.
Mid kamida dhibanayaashaas waa Zaheer Ahmad Zindani, oo ah nin u dhaqdhaqaaqa nabada kaas oo can ka noqday dalka Afgaanistaan.
Zaheer Ahmad Zindani, oo 22 sano jir ah waxaa uu dhibaatooyinkaas ku waayay qoyskiisa, indhahiisa iyo saaxiibtiis. Shan sano ka hor ayaa bam ay kooxda taalibaan dhigeen wada ku dhaw masjidka Ghazni kula qaraxday waxaa uuna ku waayay labadiisa indhood.
Markii ugu danbeysay ee Zaheer Ahmad Zindani uu u maleeyo in uu wax arki karo waxaa ay aheed xili uu ku sugnaa isbitaal waxaa uuna jiray xiligaas 17 sano.
Waxaa uu dhaqtarka waydiistay muraayad.
“dhaqtarka ayaa igu yiri malihid wax indha ah, sidee ayaad ku arki kartaa indhahaaga?” zindani ayaa sheegey in uu gacmahiisa uu kor u qaaday si uu u dareemo balse waxaa ku daahnaa faashada oo suurta gal ma aheen inuu wax arko.
Zindani markii uu jiray 7 sanno waxaa ay isaga iyo qoyskiisaba ku noolaayeen magaalada Gereshk ee gobolka Helmand, waxaa ay reerkiisa wax ku gadan jireen meel wadada dhinaceeda ah halkaas oo ay isticmaali jireen kolayada ciidamada Afgaanistaan oo garab ka helaayo diyaaradaha duqaymaha ee militariga maraykanka kuwaas oo dagaal kula jiray kooxda taalibaan.
Maalin maalmaha kamida aabihiis iyo adeerkiis oo shaqada u soo diyaar garoobay ayaa waxaa haleelay duqaymaha ay fulinaayeen diyaaradaha maraykanka sida uu sheegay Zindani.
“waxba kamaanan arkin waalidiinteyda, xitaa dhiigooda,”ayuu yiri Zindani.
Aabahiis waxaa uu jiray markii ladilaayay 29 sano, waa uu u dheeraa sidiisa camal waxaa uuna lahaa Tima dhaadheer.
Duugtii aabihii, waxaa uu zindani ka xasuustaa in qaraabda, iyo saaxibadii aabahiis ay ku soo ordaayeen oo ay guddoonsiinaayeen lacag.
“waxaan ku wareersanaa sababta dadka ay iisiiiniyan lacagta,dhab ahaantii waan wareersanaa-waxaana islahaa aabaha waa uu soo kici doonaa kadiban waa uu ka xanaaqi doonaa sababta aan u aqbalaayo inaan saxiibadii ka qaato lacagta anigoon fasax ka haysanin asaga” waxaa uu intaas ku daray “ waan arkay aroos balse ma aanan arag aas”
Kadib duqayntii diyaarada oo uu ku waayay aabihiis iyo adeerkiis qoyskii Zindani waxaa ay u soo guureen magaalada Kandahar oo meel u dhaw ay daganaayeen qaraabadooda kuwaas oo haystay gabadh Zindani ay isku Da’a yihiin.
Zindani ayaa waqti badan la qaadan jiray gabadhaa ay isku faca yihiin, markasta oo hooyadii ay soo booqata reerka waa uu soo raaci jiray si uu ula ciyaaro.isaga oo ka hadlaayo sida uu u dareemi jiray ayaa waxaa uu yiri “waxaan jeclahay sida ay u hadasha,habka ay usocota, iyo waxkasta oo ku saabsan ayada, meel kasta oo ay u socdaasha, aniga waan iska arkaa halkaa mana garanaayo”
Zindani ayaa oggaaday waxa haayo in uu yahay jaceel uu u qaaday gabadha waxaa uuna xiligaas jiray 12sano waxaa ayna u socdeen dukaan ay wax ka soo iibsanaayeen.
Zindani ayaa noqday makaanik markasta oo uu fursad helaana waxaa uu ku booqan jiray gabadha uu jecelyahy isagoo u sii diyaarin jiray haddiyada qaali ah.
Dalka Afghanistan ayaan caada u laheyn in gabdhaha ay guursadaan rag aan maal laheen balse zindani taas caqabad uma arkin oo waxaa uu aaminsanaa in gabadha qalbigeeda uu dagay oo uu sina ku waaaye Karin.
Waxkasta yaa isbadalay kadib markii uu zindani belay indhaha.
Kaddib markii uu qarax Qabsaday gaarigii uu saarnaa Zindani iyo walashiis Ahmadia oo 15 sano jir aheyd walidkii dhalay gabadhii uu jeclaa zindani go’aan ayay ka gaareen noolasha gabadhooda iyagoo u sheegay in ay iska deyso ninka yimid gobol aan gobolkooda ahayn misna aan ku qabiil ahaynwaxay waalidka intaa u raaciyeen gabadhooda in wiilka uu indha belay sidaa darteedna uusan awoodi inuu rerkiisa biisho.
Zindani hadda waa indha la’yahay iyadana laba sano ka hor ayay guursatay waxaa ayna dhashay canug sida uu sheegay zindani.
Zindani ayaan gabadha macluumaad dheeri ah ka bixin sababa amni darteet, wali waa uu xariiriyaa sida uu sheegay mobilka ayuu ka wacaa si sir ah waxaa uuna ka joogaa meel ka dheer meesha ay ayada ku nooshahay.
Ninkaan oo ka hadlaayo dhibaatadii soo gaartay aya sheegay in haddii uu haysan lahaa gabadhii uu jeclaa aysan wax dhib ah u lahaan laheyn idhala’aanta balse uusan hadda labadiiba gacanta ku haaynin.
“haddii aan waayi lahaa indhahayga, oo aan ayada haysan lahaa, farxad ayaan ku jiri lahaa, balse hadda indhana mahaayo Jecelkeygana mahaayo”