Wararka
(AKHRISO):Dowlada Soomaaliya oo digiin cusub kasoo saartay daadad hor leh oo laga cabsi qabo.

Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta masiibooyinka xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay digniin ka soo saartay in ay suuragal tahay in ay dhacaan fatahaado hor leh.
Wasaaradda ayaa sheegtay in maalmaha soosocda ay suurta gal tahay in ay da’aan roobab ay cabirkooda biyaha ku sheegtay ilaa iyo 40 mm waxaa ayna dadka ku wargalisay in ay feejignaan dheeri ah ka qabaan fatahaadahaasi.
Goobaha gaarka ay ay wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta masiibooyinka tilmaamtay waxaa kamid ah Magaalada Baledweyne oo wabiga Shabeelle ah, Magaalada Baardheere oo wabiga Jubba ah, Magaalada Dooloow iyo gobolada Baay iyo Bakool.