Wararka
(akhriso): Xasuustii Qaraxii Zoobe 14-ka Oktoobar 2017-kii iyo fariinta madaxweyne Farmaajo ee maalintaan.

Laba sano kadib waxaa maanta oo kale caasimada dalka Soomaaliya gilgilay qarax aad iyo aad u xanuun badnaa kaas oo ay muddo yar u’n guddahood ay nafta ku waayeen boqolaal shacab ah ayna ku dhaawacmeyn tiro ka badan kun ruux.
14-ka Oktoobar sanadkii 2017-kii ayay aheed markii uu dhacay qaraxaasi oo noqday midkii ugu qasaaraha badnaa kaas oo bar madoow ku reebay quluubta Shacabka Soomaaliyeed.
Dowlada oo kaashanayso saaxiibadeeda caalamka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed oo jooga dalka dibadiisa iyo waliba shacabka kunoo gudaha ayaa dhamaan gaalin mug leh ka qaatay u gargaaridda dadka dhibaataysaa kuwaas oo dhaawac yadooda qaar loo qaaday dalka dibadiisa kadib markii gudaha wax looga qaban waayay.
Halkii uu ka dhacay qaraxaas oo ah Isgoyska Zoobe ee wadada Makka Al-Mukkarama ayaa laga daagay Taallo lagu xasuusta dhibaatadii uu reebay qaraxaas taas oo loogu magac daray “14-ka Oktoobar”.
Madaxweynaha dolwada federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa maanta umadda Soomaaliyeed la wadaagay fariin ku aadan weerarkii dhacay 14-ka Oktoobar sanadkii 2017-kii iyo waxyaabihii ay ka barteenba.
Halkaan hoose ka akhriso fariinta madaxweyne farmaajo ee uu la qaybsaday shacabka Soomaalieed:
“Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah.
Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu.
Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool.
Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan”.