Wararka

(akhriso): wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo war-saxaafadeed kasoo saartay arrimaha Xajka.

Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan viisaha xajka lagu bixin doono qaab electronic ah halkii sanadihii hore dalka didibadiisa loo qaadi jiray.

Wasiirka Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta Soomaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in xafiiska wasaarada lagu daabici doono viisaha taasi oo uu sheegay ineey dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda soomaaliyeed.

Wasiir Sheekh Nuur ayaa ayaa sheegay in sanadkaan arimaha xajka dowlada ay aad uga shaqeysay isla markaana waxbadan kaga duwanyahay sanadihii hore.

Wasiirka diinta iyo Awqaafta wuxuu kaloo sheegay in la mideeyay qiimaha xujeeyda soomaaliyeed ku soo xajin doonaan.

Wasiirka Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa ugu danbeyn sheegay ka warqabka xaalada xaajiga ay wasaarada isku xil saartay isla markaana wax badan laga qaban doona adeegyada aas aasiga ah Xaajiga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close