Wararka
(AKHRISO): WAKHTIGA UU SIDA RASMIGA AH U FURMI DOONA SHIRKA DOWLADA IYO DOWLAD GOBOLEDYADA.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan hor dhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadirbu.
Kulankaani oo gogol xaar u ahaa Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.
Sida ay ku dhawaaqday Madaxtooyada Qaranka, Kulanka Rasmiga ee Madaxweynaha dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jiro ayaa furmi doona 12-ka bishan.