Wararka

(AKHRISO): Shirkii Wasiiradda Maaliyada DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah oo war-murtiyeed laga soo saaray.

Waxaa maanta Magaalada Kismayo lagu soo gabagabeeyay shirkii wasiirada maaliyadda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha kaas oo uu daahfuray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray maaraynta maaliyada dadweynaha iyo hanaanka dayn cafinta Dalka.

Wasiirka maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdirahmaan Ducaalle Bayle oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in Wasiirada ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan shaqada kala dhaxayso wasaaradda maaliyada DFS iyo in ay ka shaqayn doonaan kobcinta dhaqaalaha dalka.

“Waxaan maanta soo gabagabeeynay shir kale oo ku saabsan mideynta maaliyadda dalka oo ka dhacay Kismaayo. Waxaa wassirradu ku heshiiyyeen in ay sii wadidoonaan hawl-wadareedka ilaa maanta an soo wadnnay oo nuxur kiisu yahay dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Hoos ka akhriso warmurtiyeedka aga soo saaray shirka:No photo description available.No photo description available.No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close