Wararka

(AKHRISO): Shir ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen hay’addaha u xilsaaran dhamaystirka Dastuurka iyo Beesha Caalamka.

Wasiirka arrimaha Dastuurka xukuumada federaalka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac, ayaa Guddoomiyay shir ay Wasaaradda arrimaha Dastuurka, Gudigga la-socodka dib u eegista Dastuurka iyo Guddigga Madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ay la yeesheen hay’adaha Beesha Caalamka ee ku lugta leh arrimaha Dastuurka.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay kasoo qaybgaleen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka labada guddi, madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin ka kala socotay UNSOM, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Wasiirka arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo ugu horeyn furay shirka  ayaa warbixiyay horumarka laga sameeyay dhameeystirka dastuurka.

“Innaga ka wasaarad ahaan iyo labada guddi ee aan wada-sahqeeyno waxaan oran karnaa in boqolkiiba sideetan (80%) lagu guuleystay dhameystirka dastuurka kuwaa oo ah arrimaha u baahan farsamada qoraaleed, waxaa inoo dhiman waa arrimaha u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed oo iyagana aan ku rajo weynahay in la dhameeystiro horaanta sanadka soo socdo” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale waxaa kolkanka ka hadlay qaar Xubnno matalayay Beesha Caalamka waxaa ayna  bogaadiyeen waxqabadka hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka iyagoo ballanqaaday inay sii joogteyn doonaan taageerada ay ku bixyaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka.

Dhanka kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo xubno ka tirsan labada Guddi ayaa waxay sameeyeen soo jeedin ku saabsan qorshe howleedka seddexda hay’ad.

Wasiir Saalax oo Ugu dambayn soo xiray shirka ayaa beesha caalamka u mahadceliyay isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka.

      

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close