Wararka

(akhriso): Seddex Qodob oo uu daaha ka qaaday Ra’isal wasaare Roble.

(akhriso): Seddex Qodob oo uu daaha ka qaaday Ra'isal wasaare Roble.

Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xussen Roble oo xalay kulan kaga qayb galay Magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya ayaa ka hadlay Qodoba dhowr ah oo ay ka mid yihiin tuhunka ah in isaga iyo madaxweyne Farmaajo soo kala dhax galay Khilaaf.

Ra’isal wasaare Roble ayaa Yiri “ Doqon Waxaa la yiri Meel La’isku dagaalay lee ogeed ee meeshii lagu heshiiyay ma oga. Anaga Heshiis baanu nahay, haddii aanu heshiis aheen dalkaan ma soconaayo oo Qar ayuu ka sii dhacayaa”

Dhanka kale Ra’isal wasaare Roble ayaa tibaaxay damaciisa ah in uu isku sharaxa kursiga madaxweynenimo ee dalka waxaa uuna sheegay in uu jeclaan lahaa in uu noqda musharax madaxweyne balse caqabadaha taagan aawadood uusan isku sharixi Karin.

Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in sanadaha danbe uu isku soo sharixi doona kursiga madaxweynaha dalka waxaa uuna yiiri “ Kursiga madaxweynenimo waxaan ka soo qaaday xabad Rootiya, haddii aan damco xabad rootiya waxaan damcayaa wax kasto oo sad-bursi ah. Aniga hami waan leeyahay Inshallah waxaan jeclahay inaan afar sano ka dib soo koorseeyo”

Ra’isal wasaare Maxamed Xussen Roble ayaa dhanka kale xusay in dalka Kenya uusan u tagin in heshiis la saxiixdo madaxda dalka Kenya taas oo gabi ahaanba Meesha ka saarayso tuhunkii ahaa in dalalka Kenya iyo Soomaaliya doonayaan in ay dib ugu heshiiyaan arrinta muranka Badda iyo waliba Qaadka.

Xili uu qodobkaas ka hadlaayay ayuu Ra’isal wasaare Roble yiri “ Aniga inaan dhaawicii dhayo ayaan halkaan u imid ee uma imaan inaan saxiixo in aan kala badalano cusbo, Sonkor iyo Saliid sidaas darteet waxaan rabaa inaad ogaataan halkaan uma imaan inaan wax saxiixo”.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close