Wararka

(AKHRISO): SAGAAL RUUX OO LAGU RIDAY XUKUMA KALA DUWAN.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sidas ayaa xukunno kala duwan ku ridday sagaal ruux oo lagu soo eedeeyay in ay ka mid ahaayeen Alshabaab.

Maxkamadda ayaa xabsi da’in ah ku xukuntay Axmed Cabduqaadir Axmed ,halka shan ruux oo kala ah 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye,iyagana lagu xukumay min 15-sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi gaaraya min 8-sano ku xukuntay 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow  iyo -Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda Ciidamada Xoogga ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto,sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close