Wararka
(AKHRISO): Ra’iisul Wasaare Rooble oo qado sharaf ku qaatay deegaanka dalxiiska ee Goobweyn.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay qado Sharaf uu madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe deegaanka dalxiiska ee Goobweyn ugu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa oo socdaal ku jooga Jubaland.
Ra’isal wasaaraha ayaa dhanka kale magaalada Kismaayo kula kulmay taliska qeybta Labaad ee Ciidammada AMISOM waxaa uuna kala hadlay dardargelinta howlgallada nabadeynta .
Ugu danbeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu u safro magaalada Galbahaarey ee caasimada gobolka Gedo halkaas oo ay ka socota u diyaar garowga Soo dhaweyntiisa.