Wararka

(AKHRISO): Maxay yihiin Ajandayaasha Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabelle?

Waxaa Hadda Socota Hadal jeedinta Musharaxiinta madaxweynaha Hirshabelle oo ay ku tartamayaan Musharax Abdirahmaan jimcaale osman iyo Musharax Ali Guudlaawe xuseen.

Sidoo kale Xilka Madaxeyne ku xigeen ayaa waxaa u tartamaayo Musharax madaxweyne ku xigeen Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed iyo Musharax madaxweyne ku xigeen Maxamad Maxamuud Cabdulle.

Musharax Abdirahmaan jimcaale osman ayaa xildhibaanada cusub ee Hirshabelle u jeediyay Ajandihiisa haddii uu ku guulaysto doorashada uu u sharaxan yahay. qodobada uu ka dhawaajiyay waxaa kamid ah;

1: In uu xeriir wanagsan la yeelan doona dowlada federaalka

2: In uu xeriir wanagsan la sameeyo maamulada dalka ka jiro iyo kuwa dariska la ah Hirshabelle.

3: Amniga Gudaha, Dhaqaalaha iyo Maamul wanag.

Sidoo kale Musharax Ali Guudlaawe xuseen ayaa isna dhankiisa ka dhawaajiyay Qaar kamid ah Ajandayaashiisa haddii uu ku guulaysto Xilka Madaxweyne Hirshabelle. Qodobada uu ka dhawaajiyay waxaa kamid ah;

1: Dib u heshiisiin. Waxaa uu sheegay in Dib u heshiisiin isugu jirto mid Gudaha Hirshabelle oo lagu xalinaayo tabashooyinka shacabka maamulkaasi iyo mid heer federaal ah.

2: Xoojinta Amniga

3: Dib u habeynta Booliska. Waxaa uu sheegay in ay badin doonaan booliska sidoo kalena ay u dhamaystiri doonaan Qalabkooda.

4: Garsoorka. Waxaa uu sheegay in uu ka shacayn doona sida ay cid kasto ku heli karto caddaalada oo uu sheegay in la aanteet aan la heli doonin wax nabad galyo ah.

5; Isku furka deeganada kala xiran ee Hirshabelle. Waxaaa uu sheegay in uu isku furi doona deeganada kala xiran ee Hirshabelle si hormar loo gaaro.

6: Dhaqaalaha. Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu shaqa abuur u samayn doona dadka aqoonta leh halka Sidoo kale kuwa aan aqoonta la heen xirfad loo samayn doona. Sidoo kale waxaa uu ka dhawaajiyay in uu dhisi doona wadooyinka oo ay dhib badan ku qabaan beeralayda Hirshabelle.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close