Wararka
(AKHRISO): Maxay ku soo dhamatay cayartii u dhaxaysay afarta degma ee gobolka Banadir wada dhelen?

Degmada Xamar jajab ayaa 1-0 uga badisay degmada Kaaraan oo ay kuwada jiraan group A. tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2020.
Cabdinaasir Maxamuud Cabdi oo No-10 u qaata Xamar jajab ayaa goolka olaad xor ah ahaa u dhaliyay daqiiqadi 51 ee ciyaarta.
Degmada Kaaraan ayaa fursado ay kusoo barbareyn kartay iska qasaarisay qeybta labaad ee ciyaarta iyagoo ku ciyaaray 10 ciyaaryahan kadib markii uu kaar casaanka ka qaatay laacibka No-4 Cabdifitaax Cabdullaahi Jaamac oo laba digniin horay u haystay.
Dhanka kale Degmada Kaxda ayaa 2-1 kaga adkaatay degmada Heliwaa oo ay kulan katirsan tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka banaadir 2020 ku yeesheen garoonka Jaamacadaaha.


