Wararka
(Akhriso): Maxaa looga doodi doonaa kulanka maanta Golaha shacabka.

(Akhriso): Maxaa looga doodi doonaa kulanka maanta Golaha shacabka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta yelan doona kulankoodii caadiga ahaa.
Ajendataasha kulanka maanta looga doodi doona waxaa kamid ah; Akhrinta 1aad H/Sharc Qareenada Soomaaliyeed, Akhrinta 1aad H/Sharc Nootaayadda Dadweynaha, U Codeynta Xisaab Xirka 2017 iyo Sii wadida ka doodista Maxdarka Xildhibaanada.
Kulamadii kala duwanaa ee ay xildhibaana Golaha shacab horay u yeesheen ayaa lagu ansixiyay sharciya kala duwan waxaana socda dadaallo ay xildhibanada ku doonayaan in ay dhamaystiraan ansixinta sharciyo hor yallo oo uu dhawaan ka codsaday madaxweynaha dalka in la dar-dar galliyo ansixintooda.