Wararka

(Akhriso): magacyada 10-ka arday ee ugu sareyso Imtixaanka Shahadiga ah iyo xog dhamaystiran oo ku sabsan natiijada imtixaanka.

Wasaaradda waxbarashada, Hiddaga iyo Tacliinta sare ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawo shaacisay natiijada ardayda sanad kaan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah oo la qaaday 27 illaa 31-kii bishii Maarso ee 2019-kii.

Sanadkaan waxaa imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 12-aad ee dugsiyada sare u fariisatay 29,434 arday waxaana lagu qaaday 106 xarumood, 18584 kamida ardaydaas ayaa ah wiillal halka 10,850 ay yihiin gabdho.

Wadarta guud ee ardayda sanadkaan gudubtay waa 22,499 halka kuwa harayna ay yihiin 6,935 arday. 75% gabdhaha sanadkaan u fariistay Imtixaanka oo tira ahaan u dhiganta 8,162 ayaa gudbeen ( passed) halka 25% gabdhahaasi oo tira ahaan u dhiganta 2,688 ay ku hareen imtixaanka (failed). Dhanka wilasha waxaa gudbay 14,337 arday oo u dhiganta 77% halka 23% oo u dhiganta 4,247 arday ay hareen(dhaceen).

Ardayga ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ayaa noqday Luqmaan Mohamed Nuur oo ka socda Iskoolka Al-Faraj waxaa uuna helay 95.43 dibcood iyadoo ay kaalinta labaad soo gashay Gabadh lagu magacaabo Sowdo Cabdiqaadir Cali Mire oo ka socota Iskoolka Moallim Addow waxaa ayna heshay 95.00 dibcood.

Ugu danbeyn halkaan hoose ka akhriso natiijadaas oo fahfahsan iyo waliba 10-ka arday ee ugu horeyso Imtixaanka:

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close