Wararka

(AKHRISO): Madaxweyne Ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland oo xilkii ka qaaday qaar kamid ah masuliyiinta degmada Barhere.

Iyadoo uu maamulka degmooyinka Gobolka Gedo kusuganyihiin Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu maamulka dowlad goboleedka Jubbaland xilkii ka qaaday qaar kamid ah masuuliyiinta deeganadasi.

Madaxwena ku-xigeenka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xilkii ka qaaday Muxumud Isxaaq Nuur oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka degmada Bardheere iyadoo lagu badalay Cali Ismaaciil Cali (Jijiile). Sidoo kale madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa xilkii ka qaaday Axmed Cabdullahi Fanax oo ahaa Madaxa maaliyadda Baardheere isagoo ku badalay Cali Dubbad Axmed.

Madaxweyne Ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa sidaan oo kale dhawaan Degreeto madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaasha degmooyinka Baardheere iyo Luuq.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa galabta kulan soo dhaweyn ah u qabatay dhamaan Masuuliyiinta degmooyinka Gobolka Gedo kuwaas oo safar shaqo u jooga caasimada Muqdisho.

No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close