Wararka
(AKHRISO): Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Bixi oo isku aragti ka noqday midnimada labada shacab.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimada ay midnimada leedahay waxaa uuna sheegay in ay walaalaha Somaliland ka raadinayaan mid taas lamid ah. sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in geeska Africa ay socota Iskaashi Dhaqaale oo Soomaaliya ay bilawday.
“Walaaleheenna Somaliland waxaan ka raadinaynaa midnimo. Geeska Afrika waxaa ka bilaabmay iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay fikirkiisa bilowday. Walaalkay Muuse Biixi waa nin Soomaali ah, waa nin waayo arag ah, mudo dheer soo shaqeeyay, wuu garoowsanyahay in aan Somaliland horey u socon karin anaguna aanan u socon karin, geesinimadeedii wuu leeyahay wuuna bilaabay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dhankiisa madaxweynaha maamulka Somaliland oo isna madaxtooyada Hargaysa kaga qayb galay Xuska 60 sano guurada ka soo wareegatay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ka qaateen Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dheeraaday wadahadaladii ka bilawday dalka Jabuuti iyo wixii ka soo baxay kulamadii ay isla qaateen isaga iyo madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in muuqata isku duubni ay wadaan madaxda geeska Africa geestoodana ay wax ka qaban doonaan.
Sidoo kale madaxweynaha oo ka hadlay qodob muran badan ka dhex dhaliyay baraha bulshada oo ku saabsanaa qodobadii heshiiska hordhaca ah laga gaaray ayaa sheegay in labada shacab aysan sina u kala maarmin loona baahan yahay is dhex gal bulsha dhawaana ay cayaartooy ka socota maamulka Somaliland ay soo gaari doonaan caasimada Muqdisho.
“Isdhex galka Siyaasada la’iskuma dhexgaaayo, waxaa lagu heshiiyay in aan laga hor imaanin wixii isku socod ah ee aan siyaasad aheen, waliba seddex qodob ayaa la galiyay: Cayaaraha, dhaqanka iyo dhacaalaha waayo ganacsigu horteena ayuu bilawday waynu isku dhex qasanahay. waxaa la doonayaa in ay koox cayaartoy ahi tagto Koonfur waana inay tagaan ayagoo sita baasaboor Somaliland” ayuu dhankiisu yiri Madaxweyne Bixi.