Wararka
(AKHRISO): Madaxweynaha Somaliland oo ka warbixiyay xaaladiihii ugu danbeeyay ee caabuqa Coronavirus-ka.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo Shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka digay Khataraha Caabuqa Coronavirus iyo Qorshaha Xukuumaddiisa ka leedahay Ka hortagiisa, isagoo madaxweynuhu halkaasi ka akhriyey warbixintii u danbeysay ee Dalka Laga Sameeyey.
“Shalay waxaa uu gabalka ugu dhacay oo soo maray oo la baaray 109 qof, dhamaan way caafimaad qabayn wax laga shakiyana lama arag, Yubbe waxaa la baaray 10 qof, oo soo maray koontoroolkii ay yaaleen baaristo way caafimaad qabayn, Dhahar 19-qof ayaa soo maray wayna caafimaad qabayn dhamaan, Wajaalle 540 qof ayaa kasoo galay, dhamaantootna way caafimaad qabayn wax lagu sheegayna malahan, Ber-bera waxaa kasoo galay 19 qof oo u badan Crew-ga Maraakiibta way caafimaad qabayn kolkii la baaray, Lowya-cadde 139 safar ah ayaa lagu baaray wax looga shakiyayna malahan, Cigaal Airport waxaa kasoo galat 226 qof wax looga shakiyana lama arag, Tiradaas ayaa shalay galabtii gabalka noogu dhacay walina waa lasoo tabinayaa wax shaki ah lama sheegin” madaxweynne Muuse Biixi.
Madaxweyne Biixi ayaa intaasi ku daray in shaqaalaha caafimaadka Soomaaliland ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah kadib markii caabuqaan laga helay dalalka Itoobiya iyo Kenya oo uu sheegay in ay xeriir wanagsan leeyihiin.