Ciyaaraha
(AKHRISO) Isku aadka koobka Qaramada Afrika 2019 oo lasameeyay.
Waxaa lasameeyay isku aadka koobka Qaramada Afrika 2019 waxana martigalinaysa Masar oo ka hortagaysaa DR Congo, Uganda iyo Zimbabwe oo ay ku wada jiraan Group A.
Tartanka ayaa bilaaban doonaa 21 Juun waxa uuna dhammaan doonaa 19 July, taas oo ufududeynaysa ciyaartoyda ka dheesha qaaradda Yurub in aanay ka maqnaan doonin ciyaaraha kooxaha ay u dheeleen maadaama fasaxii sanadka lagu jiro.
Ciyaarta koobaad ee tartanka waxa ay dhexmari doontaa Masar iyo Zimbabwe 21 bisha Juun waxa ayna ka dhici doontaa garoonka ciyaaraha ee Qaahira.
Tartankan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa oo waxaa ka qeyb qaadanaya 24 kooxood, waana midkii ugu horreeyay ee la qabto xilliga xagaaga ee qaaradda Yurub iyadoo markii hore la qaban jiray bilaha Janaayo iyo Febraayo.
Tartankaan waxaa kucusb seddex kooxood oo kala ah; Madagascar, Burundi iyo Mauritania. Madagascar iyo Burundi waxa ay Group kula jiraan Nigeria iyo Guinea halka xulka Mauritania uu Group E kula jiro xulalka Tunisia, Mali iyo Angola.
Labada kooxood ee ugu sarreysa qeybkasta iyo afarta kooxood ee ugu wanaagsan kooxaha gala kaalinta saddexaad ayaa usoo gudbi doona ciyaaraha kala baxa.
Hoos ka akhriso isku aadka kooxaha:
Group A: Masar, DR Congo, Uganda, Zimbabwe
Group B: Nigeria, Guinea, Madagascar, Burundi
Group C: Senegal, Aljeeriya, Kenya, Tanzania
Group D: Morocco, Ivory Coast, South Africa, Namibia
Group E: Tunisia, Mali, Mauritania, Angola
Group F: Cameroon, Ghana, Benin, Guinea-Bissau