Wararka

(Akhriso): Hooya dhimatay wax yar un kadib markii ay umushay taas oo leh qisa cajiib ah.

Hooya dhashay afar caruur ah ayaa dhimatay wax yar u’n kadib markii ay umushay cunigeedii afaraad, hooyadaan ayaa bixisay 12-xubnood oo jirkeda ah, kuwaas oo badbaadiyay noolasha dad badan.

29-kii bishii tagtay ee December 2019-kii, Hooya Kathleen iyo sayigeeda Thorson ayaa aduunka kusoo dhaweeyay cunigoodii afaraad oo ah wiil lagu magacaabay Teddy, 3-dii bishaan January ayaa Kathleen loola cararay Isbitaal kadib xanuun xaga maskaxda oo dhiig ku furmay.

Sayigii Kathleen oo warbaahinta Maraykanka la hadlay ayaa sheegay in hooyada ay u muuqatay mid caafimaad qabta xanuunkaana uu kusoo booda yahay oo aan la aqoon sababta keentay.

Caruurta ay ifka ugu tagtay hooyadaan ayaa lagu kala magacaabaa; Danny oo 7 sano jir ah, Gracie oo 6 sano jir ah, James oo 4 sano jir ah iyo Teddy oo 3 asbuuc oo kaliya jiro.

Thorson oo ka hadlay xeriirka isaga iyo xaaskiisa Marwo Kathleen ayaa sheegay in ay waligood wakhtiga isla qadan jireen ayna isqabeen muddo afar iyo taban sano ah, waxa uu intaasi sii raaciyay in wax wal-wal ah aysan ka qabin wakhtigii ay isla soo qaateen.

“Waligeen hal daqiiqo kala ma’aanaan maqnaanin, waxaan isla qaadanay 14-sano, daqiiqad kasto oo kamid ahna waan isticmaalnay.. wax wal-wal ahna kama taagno sidaan u isticmaalnay wakhtigaas” Ayuu yiri Thorson.PHOTO: Kathleen Thorson, 34, a mother of four, is seen in an undated photo with three of her children, Danny, 7, Gracie, 6 and James, 4.PHOTO: High school sweethearts Kathleen and Jesse Thorson of Medford, Oregon, married Sept. 1, 2006 and later started a family. PHOTO: Kathleen Thorson, 34, a mother of four from Medford, Oregon, died suddenly just days after giving birth.PHOTO: Kathleen Thorson, 34, a mother of four, is seen in an undated photo with her daughter Gracie, 6.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close