Wararka
(AKHRISO): Halkee maraysaa Doorashada Maraykanka?

Waxaa meel gaba gaba ah marayso halganka loogu jiro aqalka Cad ee Maraykanka. Musharax madaxweyne Joe Biden ayaa guula wanagsan ka muujinaayo gobolada Arizona iyo Georgia. Haddii uu Biden helo Codka Elecrol College ka ee Pennsylvania waa hoggaamiyaha Aqalka Cad.
Sidoo kale Madaxweynaha hatan talada haye ee Donald Trump ayaa isna hoggaaminaayo natiijada hordhaca ah ee ka soo baxayso gobolka Pennsylvania inkastoo ay wali tirinta codadka socdaan.
Sida aan ka soo xiganay BBC WORLD SERVICE, Biden ayaa 99% codadka la tiriyay ku hoggaaminayo gobolka Georgia. Haddii uu Biden ku guulaysto gobolkaan Trump ma heli doona codadka 270 ah ee electrol college ka ee looga bahan yahay musharaxa si uu madaxweyne u noqda.
Biden waxaa uu hoggaaminayaa gobolada Nevada iyo Arizona iyadoo codad yarna looga horreeyo gobolka Pennsylvania oo tirintu wali socota.
Trump ayaa ka cabanaayo in la musuq maasuqay codadka Bostada lagu soo dhibtay isaga oo aan wax caddeyn ah soo bandhigin.
Joe Biden ayaa dadka u sheegay in ay is dajiyaan isaga oo intaas ku daray in wax shaki ah uusan ka qabin in uu noqon doona guulaystaha gordhaw.
yaa u dhaw in uu guulaysto?
wallow aan la shaacin karin cida guusha ay raaci karto oo ay wali qaar kamid ah gobolada dallka Maraykanka ay ka socota tirinta codadka ayaa haddana waxaa loo badinayaa in uu gacan sareeyo Musharaxa Dimuqaraadiga Joe Biden.
Maxaa mid kasto looga bahan yahay in uu ku guulaysto madaxtinimada Maraykanka?
Joe Biden, Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga waxaa looga fadhiyaa in uu ku guulaysto codadka electrol college ka ee gobolada Nevada, Arizona, Georgia, Waqooyiga Corolinia ama gobolka Pennsylvania oo kaliya.
Halka Trump looga fadhiyo in uu helo codadka electrol college ka ee gobolada Nevada, Arizona, Georgia, Waqooyiga Corolinia iyo Pennsylvania.
Wararka kale ee la xeriiro arrimaha doorashada Maraykanka:http://www.tusmotv.so/akhriso-biden-oo-lix-codadka-electrol-college-ka-ugu-harsantahay-in-uu-noqda-madaxweynaha-maraykanka/