Wararka

(AKHRISO): Golaha Aqalka Sare oo kulan ku yeeshay  Muqdisho.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta xarunta Aqalka Sare ee Muqdisho ku yeeshay  Kulankoodii 11aad ee Kalfadhigaiisa 6aad waxaaana kulanka  shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka iyo Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Furdooyinka.

Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Waasarada Maaliyadda ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Waasarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga  Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.Image may contain: one or more people, glasses, beard and indoorImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 person, sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close