Wararka

(AKHRISO): Golaha Aqalka Sare oo Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindise-Sharciyedka Maamulka Maaliyadda guud.

Golaha Aqalka Sare ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku yeeshay Kulankii 9aad ee Kalfadhiga 6aad waxaana kulanka shir guddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Maamulka Maaliyadda guud waxaana Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Waasarada maaliyada akhrinta 1aad marsiiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim. Wasiru doowlaha ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan mudo laga soo shaqeeynayay muhiimadna u yahay dalaka.

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kuwareejiyay Hindise-sharciyeedka Maamulka Maaliyadda guud, Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close