Wararka
(AKHRISO): Doorashada guddoonka Baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland oo soo dhamaatay iyo faahfain dhamaystiran.
Waxaa hadda soo edlaaday doorashada Gudddoonka Baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland waxaana la shaaciyay xildhibaannadee ku guulaystay Guddoonka Baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland.
Kusimaha Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaacay in uu si rasmi ah guddoonka baarlamaanka 2-aad ee dowlad Doboleedka Jubbaland uu ku guulaystay xildhibaan Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan kaas oo helay 55 cod.
Xildhibaan Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa u mahadceliyay dhamaan xildhibaanadii u codeeyay iyo kuwaan u codeyninba sidoo kale waxaa uu mahad u jeediyay Kusimihii Guddoonka Baarlanaanka Jubbaland oo uu ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi dul-qaad leh oo siwacan ugu soo shir guddoomiyay intii ay socotay doorashada Baarlamaanka Jubbaland.
Xildhibaan Xuseen Shiinow oo ahaa shaqsigii kula tartamaayay Guddoomiyaha baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa helay 18-cod waxaa uuna ka hadlay madasha isagoo sheegay in doorashada uu ku qancay sida ay u dhacday.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowlad Goboledka Jubbaland, Sheeq Cabdi Shakuur ayaa ugu danbeyn dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland xildhibaan Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.
Sidoo kale intii ay socotay doorashada dowlad baarlamaanka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa ayaguna guulaystay Xildhibaan Aadan Khaliif oo noqday Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland iyadoo aysan jirin cid latartantay.
Xildhibaan Cabdi Baaleey Xuseen ayaa isaguna noqday Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Jubbaland kadib markuu uu tanaasulay musharraxii la taagnaa.