Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DHIGGIISA DALKA TURKIGA UGU HAMBALYEEYEY MAALINTA QARAN EE MIDNIMADA IYO DIMUQRAADIYADDA.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Dhiggiisa Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan, Shacabka iyo Xukuumadda Dalkaas Xuska Maalinta Qaran ee Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Turkiga oo ku beegan 15-ka Luuliyo.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Turkiga sida naf-hurnimada leh ee ay uga hor-tageen isku daygii lagu majaxaabin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkaas, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay mar walba garab taagan yihiin xasilloonida iyo horumarka Turkiga.

“Dowladda iyo shacabka aan walaaha nahay ee Turkiga waxa aan idiinku hambalyeynayaa Xuska Maalinta Qaran ee Midnimadada iyo Dimuqraadiyadda oo ah maalin ku suntan midnimo, wadajir iyo naf hur, taasoo aad iska difaacdeen in talada Qarankiinna la idinka faramaroojiyo.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muujiyey sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya xoojinta iskaashiga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya labada dal ayaa u rajeeyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close