Wararka
Akhriso: Beesha caalamka oo Baaq Ka soo saartay Go’aankii Golaha XFS Codka lagala laabtay.

Saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay Isbedelka Siyaasadeed ee ka dhacay dalka iyo go’aankii ay Golaha Shacabka codka kalsoonida kala laabteen Golaha Xukuumada ee uu hoggaaminaayay Ra’isal wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Khayre.
Sidoo kale Beeshacaalamka ayaa ku baaqay wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka.
“Saaxiibadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas” ayaa lagu yiri war-qoraal ah oo ka soo baxay Beesha caalamka.
Saaxiibada Soomaaliye ee Beesha caalamka ayaa sidoo kale dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ugu baaqday in ay si deg deg ah u soo magacaabaan dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada waxaa ayna hoosta ka xariiqeyn in ay diyaar u yihiin Fududeynta hawsha Guddiga.
“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb” ayaa lagu bayaan ka soo baxay Beesha caalamka.
Qoraalkaan waxaa ku saxiixan dowlqada kala ah; Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay.