Wararka

(AKHRISO): 100 ka arday ee ugu sarayso Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Abdullahi Godax Barre ayaa goordhaw shaaciyay natiijada Imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedkaan.

Sidoo kale wasiirka oo shaaciyay natiijada 100 ka arday ee ugu sarayso imtixaanka sanadkaan ayaa sheegay in dhamaan 100 kaani arday ay heli doonaan deeq waxbarasha oo dibada ah waxaa uuna hambalyo u diray dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guulaystay imtixaanka shahaadiga ah.

“Waxaa sharaf iyo farxad weyn inoo ah in aan maanta soo bandhigno natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee Dugsiga Sare. Sidaan horay uga ballan-qaaday ardayda Soomaaliyeed, waxaan shaacineynaa 100-ka arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ah oo heli doona deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah. Waxaan dhammaan ardayda u rajeynayaa mustaqbal wanaagsan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed anfaca” ayuu yiri wasiir godax.

Hoos ka akhriso natiijada 100 arday ee ugu sarayso Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad.No photo description available.No photo description available.Image may contain: text

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close