Wararka

Ahmed Karaash oo kormeer shaqo ku tagay seddex wasaaradood.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Koormeer shaqo ku tagay qaar kamida Wasaaradaha dowlad goboleedka Puntland.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeerkan ku maray sadex Wasaaradood, iyadoona Wasaaraddahaasi ay ku sugnaayeen, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Wasiir ku-xigeeno, Wasiiru Dowlayaal, Agaasimayaal iyo shaqaalaha Wasaaradahaasi.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiintan kala duwan waxaa uuna ku  bogaadiyey shaqada muuqata ee ay u hayaan shacab Puntland, isagoo uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan waajibaad kooda shaqo.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoorkaImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, smiling, sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close