Wararka

Agaasimaha madaxtooyada Qaranka oo kulan la qaatay Guddigga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka.

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa kulan la qaatay Guddigga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka waxaana kulanka intii uu socday looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa Shaqooyinka dowladda iyo tayeynta shaqaalaha rayidka.

Xasan Abshirow, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa Agaasimaha Madaxtooyada ugu warbixiyay caqabadaha ku xeeran Shaqaalaha Dowladda, dedaallada lagu horumarinayo iyo kaalinta muhiimka ah ay ka qaadanayaan Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in guddiga uu kala hadlay saarnay sidii loo horumarin lahaa tayada shaqaalaha, korna loogu qaadi lahaa hufnaanta hannaanka shaqaalo qorista.

“Kulankii aan Madaxtooyada kula qaatay Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ah waxaan diiradda ku saarnay sidii loo horumarin lahaa tayada shaqaalaha, korna loogu qaadi lahaa hufnaanta hannaanka shaqaalo qorista. Waa inaan garab ku siinnaa Guddiga gudashada hawlaha loo igmaday” ayuu yiri Dr.Nuur Diiriye Xirsi.ImageImageImageImage

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close