Wararka

Magaalada Muqdisho oo laga daahfuray barnaamij ku saabsan fahamka Federaalka.

Xarunta madaxtooyada Qaranka ayaa maanta laga daahfuray barnaamij ku saabsan fahamka Federaalka iyo ku wacyigalintiisa Bulshada qeybaheeda kala duwan waxaana ka qayb galay barnaamijka khubaro ku xeel-dheer arrimaha Federaalka, qeybaha Bulshada Rayidka ah iyo Saraakiil ka socotay qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda.

Barnaamijkaan ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka, Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) waxaana intii uu socday looga dooday hannaanka federaalka ee Dalka, muhiimadda uu leeyahay iyo caqabadaha ku xeeran hirgalintiisa.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Abdullahi Sheekh Cali (Qalloocow) iyo Dr. Xuseen Maxamed Siyaad oo ka mid ah golaha dhaqaalaha Qaranka Soomaaliyeed, kana mid ahaa khubarada casharrad bixineysay ayaa si faah-faahsan u sharaxay nidaamka federaalka iyo noocyadiisa, si faham badan ay uga helaan Bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), ayaa dul istaagay ahmiyadda uu leeyahay fahamka Bulashada ee nidaamka Federaalka, maadaama uu aas-aas u yahay xasilloonida siyaasadeed iyo midda amni ee Dalka, wuxxuuna tilmaamay in Dowladdu ay dedaal xooggan ku bixineyso hirgalintiisa.

  

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close