Wararka

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku tagay Baydhabo.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Kofi) oo uu wehliyo Ku xigeenkiisa  Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa Safar shaqo ku tagay Magaalada  Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Agaasimaha ayaa waxaa Garoonka Shaati guduud kusoo dhoweeyay qaar kamid ah Wasiirada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Laanta 3-aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud iyo ku-xigeenkiisa ayaa xarunta madaxtooyada  Koonfur Galbeed kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), waxaana laga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Hay’adda socdaalka Jinsiyaddaay ka heyso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta hay’adda iyo maamulka.

Agaasimaha ayaa kormeer ku tagey qaar ka tirsan xaafiisyada Laanta 3-aad, wuxuuna warbixino ka dhageystay Saraakiisha Laanta, isaga  oo ku dhiira geliyay in ay shaqadooda u gutaan si hufnaan iyo xilkasnimo ku jirto.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close