Wararka
Agaasimaha Guud ee Waxbarashada oo kormeer ku tagay goobaha Imtixaanka ee Gobolka Banadir.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliita Sare Axmed Xasan Yuusuf ayaa maalintii labaad Kormeer iyo Dhiiri galin ku tagay xarumaha imtixaanka Qaranka uu ka dhacayo ee Gobalka banaadir waxana uuna dardaaran iyo dhiiri galin u sameyay ardayda imtixaanka Galay.
Sidookale waxa uu kulan laqaatay maamulayaasha dugsiyada imtixaanku ka dhacayo, Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku shaqada leh Aminga Goobaha uu imtixaanku ka dhacayo.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada ayaa Kormeerkiisa waxaa qeyb ka ahaa Soo dhaweynta ardayda Dagmada Baraawe oo imtixaanka ku galay magaalada muqdisho,