Wararka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada dalka oo kulan la qaatay Agaasimaha Hay’adda Waxbarashada ee Turkish Ma’arif.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Hay’adda Waxbarashada ee Turkish Ma’arif ee ka howlgasha dalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Agaasimayaal iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada waxana looga hadlay, hab maamulka dugsiga, tayada macallimiinta wax ka dhigta dugsiyada ay gacanta ku hayso hay’adda iyo cabashada guddiga waalidiinta.
Ugu danbeyn Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada ayaa warbixin ka siiyay nidaamka cusub ee diiwaangelinta dugsiyada iyo qorshaha ay wasaaradda ka dejisay arrimaha dugsiyada gaarka ah.