Wararka
Africom ayaa war kasoo saaray weeraro ay la beegsadeen shabaab iyo daacish.
Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa waxay sheegeen in labo duqeyn ay fuliyeen bishan May 22-dii, iyadoo weerarkii ugu horreeyey lala beegsaday fariisin ay Daacish ku leeyihiin Buuraha Golis ee Maamulak Puntland.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay AFRICOM ayey ku sheegeen inay duqeyntaasi ku dileen 2 ka tirsan Kooxda Daacish, waxayna duqeyntaas ahayd tii 5-aad ee sannadkan lala eegto Daacish-ta Somalia.
AFRICOM waxay kaloo sheegtay inay dhamaan 5-ta hawlgal dhaceen Waqooyiga Somalia tan iyo bishii May 14-dii, iyadoo 4 duqeyn lala begsaday Buuraha Golis, halka mid kalena uu ka dhacay Deegaanka Xiriiro.
Duqeyntii dhacday bishii April 14-dii waxay AFRICOM sheegtay in lagu dilay C/xakiim Dhuqub oo ahaa Ku-xigeenka Amiirka Daacish-ta Somalia.
Dhinaca kale, qoraalka ka soo baxay AFRICOM waxaa lagu muujiyey inay bishan May 22-dii duqeyn ka geysteen Deegaanka Beledul-amiin ee Gobalak Sh/hoose, kuna dileen 2 Dagaalyahan o oka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.