Wararka

Afhayenka gobolka Banadir oo ka warbixiyay weerar ka dhacay Xabsiga dhexe.

Abaaro galabnimadii maanta ayaa weerar uu ka dhacay Xabsiga dhexe ee Muqdisho kadib sida la sheegay markii uu hub gacanta u galay Qaar kamid ah maxaabusta ku xiran xabsiga.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen afar maxbuus kuwaas oo gacanta ku dhigay hub kadibna uu dagaal dhex maray ayaga iyo ilaalada xabsiga.

“Ciidamada Amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray Dagaalkii ka dhex-dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, kaasi oo yimid kadib markii Maxaabiis ka tirsanaa kuwa ku xeran Xabsiga ay gacanta u galeen Hub ay kula dagaalameen Ciidanka Ilaalada Xabsiga Dhexe., Afar Maxbuus oo ka mid ahaa kuwa weerarka bilaabay ayaa la toogtay, sidoo kale waxaa jira qasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac leh ayuu yiri” Afhayeenka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close