Wararka
Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland oo ka warbixiyay kullan maanta ay yeesheen laamaha amniga ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Xarunta Wasaaradda Amniga Jubbaland ee magaalada Kismayo ayaa waxaa maanta lagu qabtay shir looga hadlaayay sidii loo adkayn lahaa nabadgelyada guud ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, waxaana kasoo qayb galay wasiirka amniga,wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga, Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Taliska qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka,Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland, Taliyaha guud ee Ciidanka Jubbaland iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland.
Kullanka maanta ay yeesheen laamaha amniga ee Jubbaland waxa lagu gorfeeyay sidii loo dar-dar galin lahaa howlgalada laga wada gudaha Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada ku dhaw-dhaw.
Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen, oo markuu shirka soo dhamaaday la hadlay warbahinta ayaa sheegay in muhiimaddu shirku ahayd adkeynta amniga maadaama la gelayo bisha barakeysan ee Ramadaan.