Wararka
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland ku dhawaaqay in markale ay cafis u fidiyeen dagalamayaasha xarakada Al-shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim ayaa ku dhawaaqay in markale ay cafis u fidiyeen dagalamayaasha xarakada Al-shabaab isagoo sheegay in dhalinyaro badan ay haatan ka soo goostay alshabaab isu soo dhiibeen ciidamada dowlada ay gacmo furana kusoo dhaweeyeen.
Labadii maalin ee ugu danbeysay waxaa ciidamadamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland isu soo dhiibay xubno katirsanaa al-shabaab .
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isa soo taraayay dhalinyarada ka soo baxayso Alshabaab ee ku sugan degaanada Jubbooyinka iyo Gedo.
Siidow Cabdi Geeddi oo muddo 10 sano ka barbar dagaalamaayay xarkada Al-shabaab ayaa maalin ka hor isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee qaybta 43-aad si lamid ah maalinnimadii Axada ahayd ciidanka Jubbaland waxaa isku soo dhiibay Sharmarke Cabdinaasir Axmed oo xubin sare ka ahaa al-shabaab.