Wararka

Afduub lagu dilay gabadh 29-sano jir ah.

Faye Mooney oo ah Gabadh u dhalatay dalka Ingiriiska oo 29 sano jir ah ayaa koox dableey ah afduub ku dileen, waalidiintii Faye Mooney ayaa sheegay  in ay bixiyeen lacag madax furasha ah oo ay waydiisteen burcaddii afduubka u gaysatay gabadha.

Gabadhaan ayaa u shaqayn jirtay ha’adda Mercy Corps oo ah ha’ad caawineed oo ka howlgasha dalka Nigeria.madaxda ha’adda ayaa dhankooda sheegay in ay bixiyeen lacag madaxfurasha ah balse aysan ku guulaysan in ay dib u la midowda Faye.

Nin Nigerian ah ayaa sidokale lagu dilay weerarkaa oo kadhacay waqooyi-galbeed Nigeria, oo 37 miles (60km) kaga beegan koonfurta  magaalada Kaduna oo jimcihii lagu afduubtay seddex ruux oo kale sida ay sheegen laamaha amanka.

Dalka Nigeria waxaa ku soo badanaayo afduubka loogaysta dadka ajaanibta ah kuwaas oo la waydiista lacaga madaxfurasha ah marka laqafaasho. Waqooyiga Nigeria waxaa saameen ba’an ku haayo kooxda Boko Haram. Sandkii 2014-tii, 270 gabdha iskoolay ah ayay kooxda Boko Haram ka afduubteen magalada Chibok.

Afar dalxiisyaal reer galbeed ah oo laba kamida ay yihiin Americans halka labada kalana yihiin Canadians ayaa niman dableey ah ka afduubteen  magalada Kaduna bishii janaayo waxaana weerarkaa lagu dilay laba kamida ilaaladoodi.

Horaantii bishaan madaxwaynaha dib-loo doortay ee dalkaasi  Nigeria Muhammadu Buhari, ayaa amar ku suuyay saraakiisha amaanka in ay xakameeyaan afduubka kadhaca gobolka.

 

 

 

 

 

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close