Wararka

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  xarunta Aqalka Sare ku yeeshay Kulankii 14-aad ee Kalfadhiga 6-aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.

Ajanadayaasha kulanka ayaa  ahaa; Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Istaatistikada Qarankaiyo Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ).

Hindise-Sharciyeedka Istaatistikada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane/Xil. Jamaaal Maxamed Cusman .

Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Intaa kadib, Guddooomiyah Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Senator Axmed Macalim Cumar (Nadiir) ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ). Iyadoo uu Golaha Aqalka Sare ansixiyay Hindise-sharciyeedkan.Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 9 people, people smiling, people sittingImage may contain: 1 person, sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close