Wararka

Wasiirka Cadaaladda oo kulan hordhac ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Dawladda Maqrib Carabi.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garaoorka Xukuumadda JFS iyo xubnaha la socday ayaa kulan hordhac ah iyo wada-sheekeysi gaar ah waxay la yeesheen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Dawladda Maqrib Carabi wuxuuna agaasimuhu Wasiirka iyo xubnaha kale uga waramay hannaanka dhismaha Hay’adaha Cadaaladda Dawladda Maqrib Carabi iyo habraaca shaqo ee ay leeyihiin.

Wasiirka ayaa  tusaaleyaal kasiiyey sida ay u wada-shaqeeyaan Bahda Cadaaladda Dawladooda isagoo si gaar ah uga warbixiyey Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta iyo dawrka ay ku leeyihiin qorista iyo meel-marinta Sharciyada oo keliya ku kooban in haddii loo baahdo talo la weydiiyo. Wasiirka ayaa si gaar ah su’aalo farsamo oo arrimhaas la xiriira weydiiyey agaasimaha. Wuxuuna ahaa wada-sheekeysi qiimo badan leh.

Intaas kadib ayaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS guddoonsiiyey Agaasimaha Guud Haddiyad yar oo xasuus iyo mahadcelin ah.Image may contain: 2 people, suit and indoorImage may contain: 2 people, suit and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close