Wararka

(AKHRISO): Dilkii madaxweyne John Kennedy oo ay kaSoo wareegatay 56 sano.

56 sano ka hor maanta oo kale, 22-kii November  1963, waxaa  Magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka lagu qaarijiyay madaxweynihii dalkaasi John Fitzgerald Kennedy oo ahaa madaxweynihii 35 aad ee soo mara Maraykanka.

Madaxweyne John Kennedy ayaa dalxiis ku maraayay Magaalada Dallas ee gobolka Texas xiligii uu dilka dhacaayay waxaana hareera socday  xaaskiisa Jacqueline, kafanatoorihii gobolka Texas John Connally iyo xaaska kafanatooraha Nellie iyo labadiisa cunig ee Caroline iyo John Jr oo min  5  iyo 2 sano jir  kala ahaa oo isku xigay.

Madaxweynaha ayaa waxaa dilka u gaystay mid kamid ahaa ciidamada badda eeMaraykanka oo la oran jiray Lee Harvey Oswald kaas oo rasaas ooda kaga qaaday madaxweynaha. Waxaa sidoo kale meeshaas dhaawac halis ah kusoo gaaray kafanatoorihii gobolka Texas John Connally.

Isbitaalka Parkland Memorial Hospital ayaa dhaawaca madaxweyne John Fitzgerald Kennedy loola cararay balse 30 daqiiqo kadib ayaa la shaaciyay geerida madaxweynaha  waxaase ka badbaaday dhaawicii kafanatoorihii gobolka Texas John Connally.

Lee Harvey Oswald ayaa waxaa 70 daqiiqo kadib soo xiray Booliska magaalada Dallas waxaana lagu maxkamadeeyay  gobolka Texas. Balse nasiib darro waxaa isna xabsiga ku dhex toogtay Jack Ruby 24-kii November  1963 waxaana dhaawac soo gaaray loola cararay Isbitaalka Parkland Memorial Hospital halkaas oo ugu danbayn ku geeriyooday.

Jack Ruby ayaa isna xabsiga loo taxaaabay kadib toogashadii uu u gaystay Lee Harvey Oswald waxaa uuna xabsi ku geeriyooday sanadkii 1967 isaga oo sugaayay maxkamad.

Madaxweyne Kennedy ayaa ahaa madaxweynihii seddeedaad ee si shir-qool ah loo dilo isagoo madaxweyne ka ah dalka Maarykanka.

Image may contain: 1 person, crowdImage may contain: 11 people, people standingImage may contain: 5 people, people standing, shoes and suitImage may contain: 1 person, crowd

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close