Wararka
Gaalmadii ugu horeysay oo si toos ah loogu wareejiyo dowlada federaalka Soomaaliya.
Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho.
Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay diyaaradda Guddiga Gurmadka fatahaadaha Qaranka, Safiirka dowlada Talyaaniga u jooga Soomaaliya iyo qaar kamid ah Xildhibaanada BJF Soomaaliya.
Safiirka dowlada Talyaaniga u jooga Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi ayaa sheegay in markii ay soo gaartay codsigii ay dowlada Soomaaliya u soo gudbisay dowlada Talyaaniga ay bilaabeen sidii ay ugu gurman lahaayeen Shacabka ay dhibaatada Soo gaartay waxaa uuna intaasi ku daray in ay ka qayb qaadan doonaan wajiga labaad ee u gurmashada dadka ay fatahaadaha Saameeyeen.
Wasiirka gargaarka maaraynta iyo Masiibooyinka xukuumada federaalka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa dowlada Talyaaniga ugu mahadceliyay sida ay ugu soo jawaabtay codsigii dowlada waxaa uuna sheegay in ay halkaasi kasii wadi doonaan garab Istaagga ay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen.
Deeqdaan ka timid dowlada Talyaaniga ayaa noqonayso kaalmadii ugu horeeyay ee dowlad Yurub ah ay toos ugu wareejiso dowladda federaalka Soomaaliyeed.