Wararka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray xarunta daryeelka caruurta aan hoyga lahayn.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dib u howlgalinta xarunta daryeelka caruurta aan hoyga lahayn iyo kuwa Agoonta ah ee degmada Warta Nabada.
Xarigjarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish waxa uu kormeeray qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay ee loogu talagalay in lagu daryeelo caruurta agoonta ah iyo kuwa dayacan si ay helaan fursada lamid ah kuwa ay waalidiintooda nool yihiin.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa digniin u diray dadka sida qaldan u isticmaala dhulalka danta guud ee bulshada loogu adeegi lahaa.