Wararka
(DAAWO): MADAXWEYNIHII HORE EE DALKA OO KA WARBIXIYAY KULAN DHEXMARAY IYAGA IYO MADAXWEYNE FARMAAJO.
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxdii hore ee dalka kasoo arrimisay ayay kaga hadleen waxyaabihii ay kawada hadleen iyaga iyo madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya kadib kulan manta ku dhexmaray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee dalka Xassan Sheeq Maxamuud ayaa ka warbixiyay arrimihii ay isla meel dhigeen iyaga iyo madaxweynaha waxaa uuna sheegay in ay kawada hadleen dhowr qodob oo ay ugu muhiim sanaayeen; doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona 2020-ka, dhowrsta dastuurka, iyo in ay si wadajir ah ugu wadashaqeeyaan amniga dalka.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in madaxda ay ka shaqeeyn doonta sidii ay u dhici laheed doorashada dalka lagu wado in ay ka qabsoonta 2020-ka taas oo uu sheegay in ay ahmiyad ballaaran u leedahay shacabka Soomaaliyeed.
madasha xisbiyada qaran ayaa sheegay inay madaxwaynaha ka la hadleen arimaha dorashooyinka la islana meel dhigayhttps://youtu.be/K_VjrwksVSM
Posted by TUSMO TV on Wednesday, 20 November 2019